Cabdi Qeybdiid oo Shaaca ka qaaday in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Digniin Culusna diray diyaradaha +cod

Madaxweynaha Maamulka Galmudug State Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday in uu gabi ahaan xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntiland Maamusho.

Mr- Qeybdiid ayaa sheegay in aysan suurto gal noqon Karin in garoona uu xirnaado midka kana uu shaqeeyo , waxa uuna shaaciyay in gabi ahaan Garoonkaasi uu xiran yahay wax diyaarad ahna aysan kasoo dagi Karin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga digay Diyaaradaha kasoo dagaya Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo , waxa uuna si gaar ah ugu digay Diyaarad shalay Garoonkaasi kasoo dagtay , waxa uuna ku hanjabay in Ciidamada Galmudug ay tilaabo ka qaadi doonaan Diyaaradii kasoo dagtaa Garoonka Gaalkacyo.

Maamulka Puntiland ayaa dhanooda waxa ay shaaac ka qaadeen waxii ka dhaca Magaalada Gaalkacyo in masuuliyadeeda uu qaado Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid ay ku eedeeyeen in uu colaad hurinayo.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Cabdi Qeybdiid oo Shaaca ka qaaday in uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Digniin Culusna diray diyaradaha +cod”

  1. maxamed says:

    anigo tixracaya hadalkii ka so yeray Gen Abdiqaybdiid oo ku sabsana in uu xirayo garonka diyaradaha Galkacyo,arintasi waa khalad,waxa kale oo khalad ah ni uu shegto mamul gobaled,waxa kale oo khalad ah in uu isku dherariyo dawladda puntland,mida kale cidanka u sheganayo waa dad maleshiyo ah,waxa ka sidaran waxuu amar ku baxshey in uu so ridi dono diyarado becmushtar ah oo shaqadodi haysata, waxuu isku qiray in uu yahay danbile dagal,waxa ficnan lahayd in uu rasaseyo diyarad hawada calamiga maraysa,meshisa ayaa lagu ka tinaden laha waxana ku so bixi laha waxuu asalkiisi hore aha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook