opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Calool Xumo Gabar Soomaali oo biyo kulul Wajiga looga Shubay iyo Hooyada dhashay Gabadhaas oo ka Sheekeesay+ VIDEO

Share

Hooyo Soomaali ah oo ku nool dalkaas Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay waxay ka sheekeysay qiso naxdin iyo murugo leh oo gabar ay dhashay ku qabsatey dalkaas Ingiriiska ka dib markii si ay gabdho saaxiibadeed ah ay biyo kulul si xun ugu gubeen.

Hooyadaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ayaan Ismaaciil ayaa waxaa ay dhawaantaan ka warantey qiso naxdin iyo murugo baaxad weyn leh oo ku qabsatey dalkaas Ingiriiska gabar ay dhashay, Hooyadaan ayaa waxay sheegtay in gabadheeda oo lagu magacaabo Samiiro ay si xun u gubeen gabdho kale oo ay saaxiibo ahaayeen, Gabdhahaan oo markii hore si wadajir ah u aaday xaflad aroos ah ayaa mid ka mid ah gabadhahaas iyo gabadheeda Samiiro inay wada murmeen ka dibna uu gacan ka hadal dhexmarey arintaas oo keentay inay Samiiro ay wajiga ka xagato gabadhaas, Laalkiin gabadhii uu dhaawaca soo gaarey oo ay wehelinayaan gabdhihii kale ayaa waxay biyo u kululeystaan Samiiro ka dibna ay madaxa kaga shubeen arintaas oo keentay inuu dhaawac culus uu ka soo gaaro gabadhaas wajiga iyo madaxa.
Ugu dambeyntiina iyadoo hooyadaas ay sheegtay in dhaawaca soo gaarey gabadheeda uu ku reebay naxdin iyo wel wel fara badan islamrkaana ay wali gabadheeda ay ka soo kaban la’adahay dhibaatadii ay gaarsiiyeen gabdhahaas saaxiibka la’ahaa ayaa hooyadaas waxaa kale oo ay sheegtay inay la yaabku noqotey in gabdhahaas oo ay si fiican u taqaanay inay gabadheeda ay sidaas naxariis darada ah ay ula dhaqmaan, Hooyadaan ayaa waxaa kale oo ay sheegtay inay gabadheeda ay wali ku jirto dhibaato weyn islamarkaana ay cabsi ka qabto marka ay aragto wax dabka saaran ama ay aragto shaah karkaraayo sidoo kale ayey hooyadaas waxay sheegtay inay gabadheeda ay habeenkii soo naxdo ayadoo ku qeylineyso hooyooy iga qabo arintaas oo ay hooyadaas ku tilmaantey mid ku reebtay murugo baaxad weyn.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook