opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Chelsea oo gurigeeda bar baro kula gashay Schalke

Share

Jose Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea ayaa barbaro ku bilaabatay Champion-ka iyadoo waliba sannadkaan loo saadaalinayo ineey imaan doonto kama dambaysta, waxaana ay 1 – 1 isla dhaafi waayeen Schalke oo reer Germany ah.
Daqiiqadii 10-aad ayay ahayd markii Febragas uu kubad kasoo xoogsaday lambarka 7-aad Meyer waxaana uu udhiibtay ciyaaryahan Hazard, mar kale ayaa lugta loo soo galiyey Febregas kaasoo isna shabaqa ku hubsaday.
Hadii ay Chelsea hogaanka u qabatay, Schalke oo aan dab yar shideeyn ayaa mar waliba isku dayeysay iney iska soo magaan waxaana markale Chelsea ay heshay fursad uu ka lumiyey Febregas kaasoo hawada kubadda u diray.
Isu soo laabadkii Draxler oo lambarka 10-aad u sita kooxda Schalke ayaa kubad kasoo qaatay bartanka garoonka isagoo lasoo dhex maray ciyaartooyda Chelsea laakin kubadii ayuu dibada marsiiyey.
Ninba waa markiisa Draxler ayaa kubad xoog ugu soo qaatay Febregas wuxuuna usalaxay ciyaaryahan Klaas Jan Huntelaar waxayna ciyaartu noqotay mid wiilka reer Holland uu Chelsea ka galiyo goolkii barbaraha sidaasina ay ciyaartu kusoo idlaatay 1 – 1, waloow Drogba daqiiqadii 59-aad ay soo martay fursad gool ahayd balse dibadda marsiiyey.
Kulankii xigay ayaa waxaa fooda is daray kooxaha Maribor iyo Sporting CP, Ciyaartaan ayaa waxaa is muujiyey oo banaanka isa soo dhigay ciyaaryahan Nani oo goolkiisa koowaad ee Championka kooxdiisa usaxiixay waloow markii danbe uu ka barbareeyey Luka Zahovic.
Kulanka ayaa guud ahaantiis wuxuu kusoo idlaaday 1 – 1, guruubkan oo ay ku kulansan yihiin kooxaha Chelsea, Schalke, Maribor iyo Sporting Lisbon ayaa dhamaantood natiijadoodu noqotay mid bar baro kusoo idlaaday waliba min gool ayay wada dhashadeen.
Chelsea 1 – 1 Schalke 04
Maribor 1 – 1 Sporting CP

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook