C/laahi Aadan Cali Shaleyte Anaga Iyo Dowladaba Fadhiidaanahay Taasne Waa Caadi +COD

Iyadoo wali ay jiraan is jiid jiidka ku aadan Maamulada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Fadhigoodu uu yahay ayaa Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed waxaa uu sheegay in ay san marnaba badali doonin Mooqifkooda ah in ay sii ahaadaan Maamulka Lixda Gobol.

C/laahi Aadan Cali Shaleyte oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Lixda Gobol oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Doonayaan ku adkeeysiga Maamulkooda uu Hogaamiyo Madoobe Nuunoow islamarkaana xitaa hadii laga Fursan waayo uu Maamulkooda Madaxweyne ka noqonayo Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay wali ku sugan  Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo Xilidhibaano,kuwaas oo ujeedkoodu uu yahay sidii Xal looga gaari lahaa Arimaha Magaalada Baydhabo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook