Clarence Seedorf Oo Kucalaacalay In Yurub Looga Baahan Yahay Tababare Madow Ah

Tababarihii hore kooxda Milan ee Clarence Seedorf ayaa muujiyay sida weyn ee uu ugu murageysan yahay in aysan xilligaan jirin tababarayaal madoow oo ka dhex muuqda faagaraha kubadda cagta , waxa uuna ugu baaqay ururka kubadda cagta qaaradda yurub ee UEFA in xal fog ay u helaan in dadka laga tira badan yahay ay lug ku yeeshaan maamulka kubadda cagta .

UEFA ayaa waqti sii horeeyay shaaciyay barnamaij loogu magac daray Hogaanka Is Badelka kaasi oo looga gon leeyahay hormarinta kala duwanaashaha midab ee mamaulka kubadda waxaana arintaas safiir looga dhigay laacibkii hore ee qaranka France iyo Real Madrid ee Christian Karembeu

Clarence Seedorf oo ah madoow Hollandes ah ayaa wargeyska La Gazzetta dello Sport ka yiri” haa waa arin aan fiicneyn in dadka lagu kala sooco midibka muuqaalkooda sidaas oo ay tahay waxaa loo baahan yahay xal muddo fog ah “.

” Arintaan aan ka shanqiriyay waxaa muhiim ah in lagu tiirsanaado sida uu uga dhaqan galay dhanka maamulka ciyaarta loo yaqaan Rugby”.

 

HALKAN KA AQRI HADAD ENGLISH TAQAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook