C/rashadiid Xidig oo Dhulka ku Jiiday Faysal Waraabe Kuna Tilmaamay Nin Waalan +VIDEO

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kana soo Jeeda gobolada Jubooyinka ayaa waxaa Munaasibad balaadhan Loogu sameeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Xildhibaanka Ayaa wuxuu siwayn ugu hadlay arimaha maamulka Jubaland iyo deeganada maamulkaasi oo la doonayo In bulshada Soomaaliyeed ee degta dhulkaasi ay ka hirgeliyaan Mashaariic kala duwan, Wuxuuna sheegay inaan cidna Qabiil ku sheegan karin deeganadaasi.

Geesta kala wuxuu ka hadlay duulaanka  maamulka Somaliland ay kusoo qaadeen deeganada  maamulka khaatumo, Wuxuuna sheegay inaysan  Caqli gal ahayn in  Hargeisa ay diido In laga Xukumo Magaalada Muqdisho, Hadana ay doonayso inay deegaano kale iyadu Xukunto, Wuxuuna sheegay inay Xaajadu sii Fogaan doonto.

Wuxuu sidoo kale ka jawaabay Hadal dhowaan kasoo baxay Faysal Cali Waraabe oo ku Aadanaa Arimaha Federaalka, Wuxuuna ku tilmaamay Qof waalan oo ka sheekeeya Waxyaabaha Sirta u ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook