Cumar Aadan Xasan (Cumar dheere) Oo Loodoortay Gudomiyaha Konfur Galbed Ee Lixda Gobol +VIDEO

Waxaa Shalay xarunta ADC ee Baydhabo oo xarun u ah maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed lagu doortay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas.

Xilkan ayaa waxaa u tartamay laba murashax oo kala ah: Cumar Aadan Xasan (Cumar dheere) iyo Xaaji Cali Xasan Isaaq, iyadoo doorashada uu ku guuleystay Cumar Dheere oo noqday guddoomiyaha baarlamaanka maamulka lixda gobol.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha baarlamaanka maammulkan, golaha guurtida iyo wasiirrada maamulkas, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen qaybaha bulshada iyo waxgaradku kasoo qaybgaleen.

Mudanayaasha baarlamaanka ee codeeyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 89-xubnood iyadoo Cumar dheere (oo ka soo jeeda beesha GALJECEL -HAWIYE) uu helay codadka 54-xubnood oo ka mid ahaa xildhibaannadii goobta ku sugnaa, halka Sareeyo Guuto Xaaji Cali Xassan (oo ka soo jeeda DIGIL & MIRIFLE) uu heley 27 cod oo keliya, xubno kalena way ka aamuseen codeynta.

Sidaa darteed Gudoomiye Cumar dheere ayaa loo DOORTEY in 5 sano uu haayo Xilkaas.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook