David Moyes oo ka fiicnaaday Louis van Gaal ,xaqiiqooyin dhab ah

Louis van Gaal ayaa si rasmi isbuucaan siweyn loo garwaaqsaday inuusan gaari karin macalinkii la tilmaamayay in Man United uu godka geliyay ee David Moyes.
Van Gaal oo £150milyan geliyay kooxda sanadkan ayaa soo iibsaday xiddigo ay kamid yihiin Angel di Maria iyo Radamel Falcao.
Shan kulan uu ciyaaray tababare Van Gaal Premier league labo kamid ah waa laga badiyay halmar wuu adkaaday laba kalana bar baro ayuu galay.
Kooxda haatan waxaa ay ku jirtaa kaalinta 12 aad,shan dhibcood ayuuna gacanta ku heystaa waxaana uu la ciyaaray kooxo ka dabacsan kuwii Moyes uu shantii kulan ee ugu horeeyay xagaagii hore la ciyaaray.

Shantii kulan ee VAN GAAL
16 Aug – Swansea City (H) 1-2
24 Aug – Sunderland (A) 1-1
30 Aug – Burnley (A) 0-0
14 Sep – QPR (H) 4-0
21 Sep – Leicester City (A) 3-5

David Moyes oo xilka kala wareegay Alex Ferguson ayaa ka fiican Van Gaal.
Moyes shantii kulan ee sanadkii hore ugu horeeyay waxaa uu badiyay labo kamid ah labana waa laga badiyay midna bar baro.
Shanta kulan waxaa uu helay 7 dhibcood waxaana xiligan oo kale ay ku jirtay Man United kaalinta Sidddeedaad.
Waliba kooxihii Moyes uu ku furtay ayaa xooganaa sida
Shantii kulan ee ugu horeeyay MOYES

17 Aug – Swansea City (A) 4-1
26 Aug – Chelsea (H) 0-0
1 Sep – Liverpool (A) 0-1
14 Sep – Crystal Palace (H) 2-0
22 Sep – Manchester City (A) 1-4

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook