opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Dibad bixii ugu xooganaa kana dhan ah AMISOM oo Muqdisho ka dhacay

Share

Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ayaa ka dhacday dibad bax rabshada wata oo looga soo horjeeday Ciidamada AMISOM oo maanta gaari ay lahaayeen ku dilay cunug yar oo dadka deegaanka kamid ahaa.

Gaadiid Kolonyo ah ay wateen Ciidamada AMISOM ayaa jiiray cunug yar oo kusugnaa goob aan ka fogeyn Saldhiga Degmada Wardhiigley , waxaana la sheegay Ciidamada AMISOM ay kasii socdeen goobta ay cunugaasi yar ku jiireen.

Dadka deegaanka oo aad uga careesnaa falka ay ku dileen Ciidamada AMISOM cunugan yar ayaa isugu soo baxay wadooyin kuyaala Degmada Wardhiigley waxa ayna halkaasi ka dhigeen dibad baxyo rabshado wata.

Dibad baxayaasha careesan ee kasoo horjeeday falka Ciidamada AMISOM ayaa tuurayay dhagxaan waxa ay sidoo kale gubayeen taayaro ,

Waxaa goordhaw soo dhamaaday dibad baxii rabshadaha watay kadib markii maamulka Degmadaasi ay dadka ku qanciyeen in ay kadaba tagayaan ciidamada AMISOM ee falkaasi ka dambeeyay.

Ma ahan markii ugu horeesay oo Ciidamada AMISOM ay wadooyinka Magaalada Muqdisho ku jiiraan dad shacab ah , waxa ayna dad badan xasuustaan dhacdadii Ciidamada AMISOM sanadkii hore sidaan oo kale ugu dileen nin darawal ah oo marayay laamiga Maka Al-Mukarama.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook