Dowlada Denmark oo Bilawday Qorsha Cusub oo Lagu Adkeynaayo Sharciga Qaxwootiga Magangalyadoonka ah.

Dowlada Denmark oo Bilawday Qorsha Cusub  oo Lagu Adkeynaayo Sharciga Qaxwootiga Magangalyadoonka ah.

Waxa Sanadihii Danbe wadanka Denmark ku soo qul-qulaayay qaxwooti farabadan oo ka kala yimid wadamada dagaalada iyo amnidarada ka jiraan, kuwaas oo ka helaayay wadankaan Deganasho qaxwootinimo.
Dawladda  Denmark ayaa hadda bilawday inay adkayso sharciyada magangelyadoonka, iyadoo deggenaanshaha la siiyo qaxootigu noqon doono kumeelgaar, isl markaana la fududayn doono, siyaabaha qaxootiga loogu celiyo dalalkoodii.
Xeerarka la adkaynayo ayaa ka danbeeyay tirada soo badatay ee magangelyodoonka soo galay Danmark bilihii ugu danbeeyay.
Xeerar joogto ah:
Wasiirka caddaaladda, Karen Hækkerup iyo wasiirka arrimaha bulshada, Manu Sareen, ayaa hindisahan soo raaciyay ajandayaashii ay dawladdu kula dagaallamaysay xagjirnimada.
Sidu sheegay DR Nyheder isbeddel joogto ah ayaa lagu samayn doonaa sharciga, taasoo macnaheedu yahay, in magangelyodoonka qaarkood la siinayo deggenaasho ka sii kumeelgaadhsan ka maanta la bixiyo.
Arrintani waxay saamaynaysaa, magangelyodonka aan shakhsiyan isaga nafsad ahaantiisa aan loo baacsanayn, sida tusaale ahaan magangelyodoonka tirada badan ee ka soo barokacay Suuriya, Erataria iyo Somalia.
Magangelin kumeelgaadh ah:
Qofka loo aqoonsado qaxooti dhab ah, sida ku xusan heshiiska QM, wuxu xaq u leeyahay inuu Danmark  joogo ilaa shan sannadood, laakiin hindisaha cusub ee dawladdu waddo ayaa hada sidaas ka badalan, Ayadoona ay dawladda qiimayndoonta xaaladda qaxootiga sannad ka dib, marku deggenaado Danmark.
Hadduu nabad noqdo dalkii u ka yimi qofka magangalya doonka, Markaas dib ayay ugu celin kartaa Dowlada Danmark, xataa haddii aan si fiican loo dhisin hayadaha dawladda, Sidu shardi ka dhigayo heshiiska QM.
Haddii weli nabadgelyadu xun tahay, xaaladda qofka ayaa la qiimaynayaa laba sano oo kale.
Hindisaha dawladda ee ku salaysan magangelinta kumeelgaadh ah waxa kaloo soo gelaya magangelyodoonka aan cidi shakhsiyan gaar ahaan u baacsanayn.
Ugu Danbeenti Dowlada talada wadanka Denmark haysa ee (SR) ayaa waxa ay bilaawday bilihi la soo dhaafay inay dadka Magangalyo doonka ah siiso sharco 2sano ah oo ku meel gaara markii ugu horeesay ayagoo sabaab uga inay soo xaqiijiyaan, xog laga soo ogaandoono sababaha keenay in qaxwooti tiro badan oo magangalyo doonka ah inay wadanka soo buuxdhaafiyay sanadihii la soo dhaafay.

Abdikaadir Kassim Mohamed “Aqaasim”  Copenhagen-Denmark
E-Mail: aqaasim6@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook