Fadeexad Weyn: Siilaanyo Oo Ka Been Sheegay Wakhtigii Dhalashadiisa Iyo Goobta Dhalashadiisa+ sawiro

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa mar uu maanta qaadanayay Kaadhka dhalashada waxa uu ka been sheegay wakhtigii dhalashadiisa iyo goobtii uu ku dhashay.​
Madaxweyne Siilaanyo ayaa si cad uga been sheegay Da’diisa iyo Waliba goobta uu ku dhashay, Madaxweyne Siilaanyo ayaa wuxuu sheegtay laba wakhti iyo laba goobood oo kala duwan markii uu Qaatay kaadhka dhalashada sanadkii 2010 iyo kan uu maanta qaatay ee 2014.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu markii uu Kaadhka qaadanayay sanadkii 2010 uu qortay inuu ku dhashay Meesha la yidhaahdo YELAY, sanadkii 1936, Halka uu maanta uu sheegtay inuu ku dhashay Magaalada Burco sanadkii 1942.
Arintan ayaa ceeb weyn iyo fadeexad ku ah Somaliland, Taas oo bulshada Somaliland  isweydiinayso Beenta intaa leeg ee uu Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sheegay iyo sida  loo aamini karo maadaama uu dhalashadiisii sidaasi uga been sheegay.

msiilaanyo
siilaanyo

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook