Farmaajo Oo Hadal Cajiiba Kayiri Dilkii Godane

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu kula taliyay inay wadahadal la furaan Saraakiisha Ururka Al Shabaab.

Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa sheegay in dilka Axmed Cabdi Godane, ay tahay fursad loo baahan yahay inay ka faa’iideystaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay jiraan Saraakiil dhexe oo Shabaab ka tirsan oo u baahan inay Dowladda lasoo xiriiraan.

Ra’iisul Wasaare Farmaajo, wuxuu tilmaamay in Al Shabaab hada lala geli karo wadahadal ku aadan dib uheshiisiinta dalka, lana weydiiyo tabashooyinka ay rabaan, maadaama ay jiraan hogaamiyeyaal badan oo Shabaab ka tirsan una baahan in Dowladda mar un ay u gacan haatiso.

“Dowladda fursad ayeey u tahay sababtoo ah waxaa jira hogaamiyeyaal badan oo caburin ku jiray, hadii Dowladda ay u yeerto waa suuragal inay u yimaadaan”Ayuu yiri Farmaajo oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Farmaajo ayaa arin aan loo baahneyn ku tilmaamay cafiska mudaysan ee Dowladda u qabatay Saraakiisha Ururka Al Shabaab, taasi bedelkeedana ay wanaagsanaan laheyd in dhalinyarada Shabaabka la siiyo cafis banaan oo waqti aan ku xirneyn.

Dowladda Mareykanka, ayaa duqeyn dhanka cirka ah waxa ay ku dishay Hogaamiyihii Kooxda Shabaab Axmed Godane, kadib markii lagu bartilmaameedsaday Gobalka Shabeellaha hoose kolonyo gaadiid oo uu la socday.

Dadka ka hadla arimaha ciidamada ayaa sheegaya in isbedel badan uusan ku imaaneyn Al Shabaab, maadaama hogaanka cusub ee Shabaab loo dhiibay uu yahay mid aan ka fogeyn hogaankii hore.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook