Fifa Oo Kasooyeertay Hadal Kacaraysiiyay Kooxaha Yurub

Kooxaha yurub ayaa ku gacan sayrinaya go,aan uu shaaciyay madaxwaynaha xiriirka kubada cagta aduunka ee Sepp Blatter.

Blatter ayaa sheegay in koobka aduunka ee Qatar 2022 laqaban doono xiliga qaboobaha ee bisha janaayo lakiin kooxaha yurub oo intabadan xiligaas fasax galaya ayaa si wayn uga soo horjeestay fikirka Blatter.

Madaxwaynaha isutaga kooxaha yurub oo saxaafada la hadlay ayaa yiri:

“Waxaa muhiim ah inlahelo sababo xoogan oo ku qancin kara masuuliyiinta yurub in laciyaaro waqtigaas, go,aanka ah in laqabto koobka adduunka waqti aan kiisa ahayn wuxuu fowdo ka dhex dhalinayaa kubada cagta”.

“Waxaa loo baahan yahay in lahelo sababo looga qanci karo in koobka aduunka labadalo waqtigii laqaban jiray waayo arinkaas wuxuu qatar badan ku abuurayaa kubada cagta aduunka oo dhan”.

HALKAN KA AQRI HADAD ENGLISH TAQAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook