FU’AAD Shongole oo Uhanjabay Maraykanka Iyo Obama+ COD

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole), Madaxa Dacwada ee Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu ku goodiyay inay u aargudi doonaan Amiirkoodii Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), oo Shabaabka dhexdiisa looga yeeri jiray Sheekh Mukhtaar
C/raxmaan (Abuu Zubeyr).

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf, ayaa fariin u diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Barack Hussein Obama iyo dadkiisa, isagoo markaasi ugu goodinaaya in dad badan ay u dili doonaan dilkii Axmed Cabdi Aw Maxamed, uu Mareykanku u geystay toddobaadkii hore.

Sidoo kale waxa uu tibaaxay in ay iyagu yihiin dad wixii ay ku hadlaan fuliya, isla-markaana uu Alle barakeeyo hadalkoodu, sida uu hadalka u dhigay “Anaga dad baanu nahay hadal baan niraahnaa, hadalkayagana Allaa barakeeyo wuu fullaa.”
Sheekh Shongole, ayaa tiriyay gabay uu ku weeraraayo Madaxweynaha Mareykanka, isagoo markaasi ku sifeynaaya in uu yahay hogaamiye fuley ah, waa sida uu yiri.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook