opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gabdho Soomaaliyeed oo Ajnabi qabo oo sheegey Inay Kufaraxsan yihiin Nimankooda+VIDEO

Share

Laba gabdhood oo Soomaali ah oo guursaday rag aajanabi ah ayaa waxaa la sheegay inay markii ugu horeysay ay ka hadleen sababta ku kaliftey inay guursadaan ragaas iyadoona ay gabdhahaas sheegeen inay raga Soomaaliyeed yihiin kuwo ku caan baxay been iyo wax isdaba maris islamrkaana ay ka maqan tahay kalsoonida oo aanan laga sugeynin inay caawiyaan reerkooda.

Masbal Axmed Nuur iyo Saafi Xaaji oo ah gabdho Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas Ingiriiska islamrkaana ah gabdho qaba ama guursaday rag aajanabi ah oo aan Soomaali ahayn ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadleen sababta ku ka liftey inay guursadaan ragaas aan Soomaalida ahayn, Gabadhahaan oo ay kala qabaan nin Ingiriis ah oo muslim ah iyo nin Ciraaq ah ayaa waxay ku tilmaameen raga Soomaaliyeed inya yihiin rag liita oo aan la aamini karin islamarkaana qiyaano iyo been badan kalsoonidana ay ka maqan tahay, Sidoo kale ayey gabdhahaan waxay raga Soomaalida ku shegeen kuwa dayacay haweenka Soomaalida islamrkaana aan wax war ah ka heynin gurigooda iyo caruurtooda sidaas awgeedna ay haboon tahay in la guursado raga kale ee muslimiinta ah laakiinse aan ahayn rag Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina iyadoo gabdhahaas Soomaaliyeed ee guursaday ragaas aajanabiga ah ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ragaas ay guursadeen oo ayna ka reysteen dibindaabyada raga Soomaalida ayaa waxaa kale oo ay sheegeen haweenkaasi inay raga Soomaalidu aysan aqoon sida dumarka loola dhaqmo islamarkaana aysan ka helin dumarka ay qabaan caawinaad xaga howlaha guriga iyo maareyntiisa iyo walibana aysan ka warheynin barbaarinta caruurta, Gabdhahaan ayaa waxaa kale oo ay shegeen in qaar ka mid ah raga Soomaaliyeed oo dhaqaale raadis ah ay ku qasbaan xaasaskooda inay kala noolaadaan si ay u uga helaan dowlada lacagta ceeyrta ah oo badan arintaas oo ay sheegeen inay ku keento xaaska la qabay inay qaadato go’aan u gaar ah iyada halkaasna uu ku bur buro qoyskaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook