Gen C/llaahi Gaafow Oo Markii UguHoreysay Kahadlay Guri Gabar Kusheegtay Inuu Xoog Kagahaysto +VIDEO

Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya Gen C/llaahi Gaafow Ayaa wuxuu markii Ugu horaysay ka hadlay muuqaalo Lagu baahiyey warbaahinta soomalida kaasi oo Ay Gabadh Lagu macagaabo Ifraax Cabdulaahi Ku sheegtay inuu ka haysto Guri ay leedahay.

Gaafoow Ayaa arintaasi Gaashaanka ku dhuftay, Wuxuuna sheegay inuu yahay Qof uu sharcigu ka adag yahay, Islamarkaana uu gaal iyo Islaamka diyaar ula yahay in wixii sharci ah lagu kala baxo, Wuxuuna sheegay inuusan Gabadhaasi waligiisba arag, Dhulkuna uu kusoo galay si sharci ah.

Gaafoow ayaa geesta kale sheegay inuusan Ifraax iyo qaarkamida Eheladeeda uga hadhi doonin Wuxuu ku sheegay Aflagaado ay ugaysteen Naftiisa, Islamarkaana uu Maxkamad Saari doono, waxaana gobta lagu soo bandhigay Qayb kamida Muuqaladii Gabadha iyo Waydiimo la xidhiidha Arimahaasi.

 


Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Gen C/llaahi Gaafow Oo Markii UguHoreysay Kahadlay Guri Gabar Kusheegtay Inuu Xoog Kagahaysto +VIDEO”

  1. Abdullahi ibrahin muse says:

    Aad baan uga xumahay arintaa ka dhacday magaalada muqdisho raalina kama nihin hadaa nahay reer muqdisho qof muwaadin ah waxii uu xaq u lahaay in uu qof kale ka qaato waxaan dowlada somalia ka codsanaa gabadhaan walaasheen ah iyo caruurteeda iyo xaaskeedaba ee ku cadeeyeen inee leeyihiin dhulkaas waa inaa ugaaga soo dhicisiin janarel gaafow waayoo waa nin masuul ah lamana rabo in dadkii muqdisho ku soo laaban lahaa la didiyo aniga mar labaad waxaan leeyahay mudane madaxweyne mudane raisul wasare mudane raisul barlaman gobernatoore muungaab dhamaantiin waxaan idinka codsanayaa in gabadhaas xaqeeda loo soo celiyaa somalidana sharafteeda lagu dhowraaa waxaan halkan uga dirayaa janaral gaafow walalow aduunya waa laga tagaa xoolo islaamed waxba kuuma taraayaan rabigaada ka baq miisaanka aakhirana yeesan kuu galin culeeska dhulkaas islaamed ee lah qof muwadin somaliyeed kiri waa iska dhiibi kartaa maanta gurina waa gada kartaa walalkeeyow isku xishooo allana ka xishoo diintan xushmeey muslinkana xushmeey soomalinamada xushmeey madaxdi dadkana inaa tahay aqoonso oo naftaadana xushmeeey sigaarana noo xushmeey tolkaadi ayaa nahay qabriga waa ogtahay sida uu u yaryahay ee hal mitir u yahay laguna galinaayo dariishad na leheen sartaasna hadaa dhimato dadkale ku raaxeesahaayaan adiga na aa ciqaab ku muteesaneeso ogoow walalkeeyoow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook