opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Godane Oo Laogaaday Inuu Ganacsiyo Waaweyn Kulahaa Hargaysa

Share

Ciidamo ka tirsan Sirdoonka Maamulka Somaliland, ayaa Su’aalo weydiinaya qaar ka tirsan Qoyska Hoggaamiyihii Maleeshiyada Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in Ciidamada Sirdoonka ay Qoyska Godane ka xaqiijinayaan wararka sheegaya Geerida Axmed Godane.

Si kastaba qoyska Godane, ayaa la sheegaya in ayaga qudhooda aysan wax xog ah ka haynin dhimashada wiilkooda, maadaama aysan ku xirneyn.

Dhinaca kale Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in Sirdoonka Maamulka Somaliland ay heleen Xog ku aadan in Hoggaamiyihii Alshabaab Axmed Godane ku dhawaad 9 Goobo Ganacsi ku lahaa Bartamaha Magaalada Hargeysa kuwaasi oo ay iminka Sirdoonka ku hayaan Baaritaano, qeybna ka ah Su’aalada la weydiinaayo Qoyska Godane oo lagu doonaayo in lagu Ogaado Hantida uu ka tagay.

Goobaha ganacsi oo aad u weyn, ayaa la sheegay in dhaqaale badan ay kasoo geli jireen Gudane.

Lama oga inta maalmo oo ay qaadaneyso Su’aalo weydiinta waxa ayna taasi noqoneysaa tii ugu dambeysay oo Qoyskaasi la weydiiyo maadaama la sheegay inuu Godane ifka ka tagay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook