opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Hawiye oo si adag uga shiray Nidaamka Federaalka Soomaaliya, Gudiyane Usamaystay Akhri

Share

Shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgaradka Beesha Hawiye oo aad uu ballaaran iyo shirkaas oo si heer sare ahna loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, caasimada qaranka Soomaaliya. Waxaa shirkaas kasoo qaybgalay aqoonyahnnada iyo siyaasiyiinti hore ee Hawiye ee qurbajoogta ah oo khadka telefoonka uga qaybqaadanaayay.

Waxaa shirkaas lagu lafaguraayay oo aad looga dooday xaaladda guud ee dalka maanta maraayo, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo midaynta beesha Hawiye. Shirkaas waxaa kaloo diiradda lagu saaray u diyaargarowga beesha ee sandaka 2016-ka oo la rajaynaayo inay doorasho ka dhacdo dalka.

Iyadoo laga duulaayo xaaladaha jira iyo geedi socodka nabadda, roadmap-ka ay beesha caalamka ugu talagashay in lagu gaaro doorashooyin, iyadoo la tixgelinaayo qaabka ay maanta wax u socdaan sida dhismaha maamul goboleedyada iyo siday ku dhismeen ama lagu dhisaayo inta dhiman, iyadoo xooga la saarayo midnimada beesha iyo somalida kale intaba lana taageeraayo sidii ay dawladda hadda dhisan ay ku gaarsiin lahayd dhamaystirka barnaamijyadii loo igmaday fulinteeda inay ku dhamayso waqtigii loogu talagalay. Iyadoo mudnaan gaara la siinaayo dib u eegadda Dastuurka qaranka iyo sidii ay bulshada Soomaliyeed dhamaantood uga qaybgali lahaayeen looguna codayn lahaa si loo ansaxiyo ayay beesha Hawiye si ay doorka ay ku leedahay uga soo baxdo ayaa shirka lagu dhisay koox hawleedyo kala duwan loona kala xilsaaray hawlo kala cayiman.
1. Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo Strategiyada guud ee siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
2. Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo galaangal u samaynta iyo u doodista xaquuqda beesha gudaha iyo dibadaba (Lobbying & Advocay).
3. Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo u diyaargarawga Doorashooyinka soo socda iyo dhismooyinka Dowlad goboleedyada iyo sidii beelaha Soomaalieed oo dhan ay beelwalba xuquuqdeeda sii nabad ah ku helilaheyd, dulmi iyo sadbursina looga fogaado.
4. Koox ka kooban khubaro iyo aqoonyahnno ka shaqeeyo sidii amniga loo sugi lahaa deeganada ay beesha degto, nabad kula noolaashada beelaha la dago iyo dersikoodaba iyo guud ahaan xasilinta iyo suggida amniga guud ee dalka.
Waxaa gabagabadii la isku raacay in koox hawleedyadaan guda galaan shaqooyinkooda lana kaashadaan cid kastoo ay kaga fursan waayaan si loo gaaro mawqif midaysan ay beesha Hawiye leedahay soona dar dar geliya midaynta Beesha Hawiye.
Waxaa gabagabadii la isku raacay in la joogteeyo shirarkaan la isuga soo noqdo mudda gaaban oo la cayimay si la isula socdsiiyo qaabkii koox waliba ay u dhaqaajisay hawsheedii, waxii u hagaagay iyo caqabadaha ka horyimd markaasna ay talooyinka beesha ay u helaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Hawiye oo si adag uga shiray Nidaamka Federaalka Soomaaliya, Gudiyane Usamaystay Akhri”

  1. maxamed says:

    anigu ma’amin sani in hawiye wax wanagsan shirkodu so kordhinayo,waxa dhici karta sida loga bartay Dagal hurin iyo dulmi in aay isu yimaden tasina ma’ah wax wax dhisaya,23 sano hawiye waxay ku jiiren weero jogto ah,ummadi somaliyed waa dhemeyen ayaguna waa isdhameyen,wadankii somaliya waqtigan waxuu kabaxay gacanta ummada somaliyed waxana lo’ersanaya belaha Hawiye,waad kawarqabtan burburkii Hawiye horsedka ka’aha waxuu mamnta isu badalay,in wadankii aay ka dhalatay dhalinyaro Diin sheganaysa oo aan beer reben,Galo madow Cawaan ah,oo Gabdhi Qurshta somaliyed kukufsnaya dariqyda iyo kamakada,iyo kuwo shilinka naftoda ku furanay,macalusha iyo gajada iyo hooy la’anta melwalba dadsan,kuwa badaha tahribta malinkasta ku riqmanahay,dadkasi dhibatada intaas le’eg oo baxadeda aan la so kobi karin dadka geystay waa hawiye,waxa kale oo jira dad somali ah oo Xeryahay Qaxotiga ka buxa oo 1,miliyan kabadan 23 sano ku rafaday wadamadda kinya ,Itobiya,yaman sido kale dadka somaliyed ee Xabsiyada ku xiran 5O.OOO kama yara,dadka somaliyed oo coladda Hawiye ka qaxay oo adunka galay 1.milyan waa kabadan yahay,oo qarkod galobay,gobalada qarkod waxay ka’go’en wadanka amin la’an daarted,sidas darted hawiye waxa loga bartay in uu dadka barkiciyo oo bililiqaystao,wali lama arag waxay dhisan oo hagajiyan waxay dhiban oo shideyan moye,ma’ah dad isqabta oo xumaha iska wadcidiaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook