Horjooge ka tirsanaa Alshabaab oo Dowlada isku soo dhiibay iyo Abaalmarin la gudoonsiiyay+ VIDEO

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Qaranka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa waxaa lagu sheegay in Horjooge ka tirsan Kooxda Alshabaab uu isku soo dhiibay Ciidamada Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia.

Warka wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in Horjoogaha lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu sheegay in isa soo dhiibidiisa kadib abaalmarino dhiiro gelin ah la guddoonsiisay.

Horjoogaha ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in isa soo dhiibistiisa ay gacan ka geysteen Waalidkiis, isagoo xusay in uu aad ugu faraxsanyahay sida uu uga soo goosta kooxda Shabaab.

“Waxaan ahaa Xubin ka tirsan Alshabaab, waxaa jiray qaladyo iga dhacay, cidna ima soo qasbin aniga ayaa iskeyga uga soo dhuuntay Kooxda balse waxaan u mahad celinayaa Ehelkeyga iyo Asxaabta igu garabsiisay sida aan Alshabaab uga soo dhuuman lahaa’’

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ninkan ka soo goostay kooxda Shabaab ay soo dhaweynayaan, maadaama Waalidkii dhalay ay garteen in wiilkooda ay ka soo saaraan Shabaab, si uu u helo mustaqbal wanaagsan, isagoo xusay in ay tahay farxad tahay.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa waxa uu Tilmaamay in DF gaar ahaan Wasaarada Amniga madal u tahay Wakhtiga kooban oo ay siisay Dagaalamayaasha Alshabaab ka tirsan inay uga soo goostaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook