opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Idaacadii Afaraad Oo Maanta Laxiray

Share

Wararka laga helaayo dhanka Maamulka Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in gabi ahaan Idaacada Albaabada loo laabay.

Mid kamid ah Weriyayaasha Idaacada oo aan xiriir la sameynay, ayaa inoo xaqiijiyay in Habeenimadii xalay ay Idaacada gudaha u galeen Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Qaranka Somalia, kuwaasi oo damiyay gabi ahaan Cod baahiyaha Idaacada.

Ciidamada ayaa la sheegayaa in Maamulka iyo weriyayaasha ay ku amreen inaan la shidi Karin Idaacada ilaa iyo amar danbe.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi ka qaaden qeyb kamid ah qalabka Idaacada, iyagoona halkaasi ka ka xeystay 2 weriyayaal oo xiligaasi ku qornaa Howsha Idaacada.

Dhanka kale, Maamulka Idaacada ayaa la sheegayaa inay jabiyeen Amar kasoo baxay Hoggaanka sare ee Ciidamada Ammaanka taasi oo la tilmaamay inay aheyd inaan lasii deyn Karin cod ama warbixin khuseysa Kooxaha Xagjirka Somalia ee Alshabaab.

Idaacada Simba, ayaa waxa ay Habeenimadii xalay si toos ah usii deysay Codka Afhayeenka Maleeshiyada Alshabaab Sheikh Cali Dheere oo ka hadlaayay Dilka Godane iyo doorashada Hoggaanka Cusub.
Sidoo Kale Wararka hadda soo dhacaaya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada nabad sugidda dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay xireen Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa amar soo siiyay maamulka Idaacadda taa oo ah in hawada laga saaro, waxaana wararka ay sheegayaan in amarkaasi ay u hogaansameen maamulka.

Agaasime ku xigeenka Idaacadaasi Burhaan Diini Faarax ayaa sheegay sidoo kale in loo yeeray maamulka Idaacadda, waxaase la ogeyn Uljeedka Rasmiaga ah ee taasi ka dambeyso.

Idaacadda Kulmiye ayaa noqoneysa tii Afaraad ee ay xiraan ciidamada dowladda Federaalka ah, waxaana habeenkii xalay ay xireen Idaacadda Simba ee Muqdisho, waxaana horay u xirnaa Idaacadaha Shabelle iyo SKY FM.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook