Indha Cade Oo Siisaadaaliyay Ninka Lagubedelay Godane Inuu Xilkan Qaban Doono +COD

Gen: Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho Cade) oo horay ula soo shaqeeyay Maxaakiimtii, ayaa wuxuu ka wabixiyey Dhimashada Axmed Cabdi Godane Hogaamiyihii Kooxda Al-shabaab, Dilkiisa dhabar jabka uu ku yahay Kooxdaasi, Xiliyadii uu bartay Godane iyo Rag kale oo Kasoo Raacay Waqooyi Galbeed Soomaaliya, Wuxuuna Sidoo kale sheegay inuu dilka Axmed Godane ogaa 3 Maalin ka hor.

Indho Cade ayaa waxaa Waraysigaan uu sidoo kale uga hadlay arimo badan oo Xasasi ah iyo waliba Shaqsiga haatan la filayo inuu badalo Booskii Axmed Godane ee Hogaanka Al-shabaab, Wuxuuna sheegay inaan booskaasi marnaba loo ogolayn inay Qabtaan Hawiye, Waxuuna Sheegay in Xilkaasi hada loo magacaabayo Axmed Diiriye oo Loolanka adag uu kala dhexeeyo Mahad Karataay .

Axmed Diiriye oo sidoo kale loo yaqaan Sheekh Mahad, wuxuu ku dhashay tuulada Jawle oo ku dhaw Xarar dheere gobolka Mudug. 1980-kii ayuu Magaalada Muqdisho yimid, Ahmed Diiriye qabiil ahaan wuxuu ka soo jeedaa Beesha Dir gaar ahaan Fiqi Muxumud .

Mahad Warsame Qaley (Mahad Karatay) wuxuu ku dhashay deegaanka Gadoon oo qiyaastii 25km u jirta Magaalada Dhuusamareed ee gobolka Galgaduud.wuxuu u dhashay qabiilka Hawiye, gaar ahaan Habargidir, Ceyr.

Ugu danbayntii Waraysigaan ayaa wuxuu Gen: Indho Cade uga hadlay qaabka loo Cidhibtiri karo Al-shabaab, Wuxuuna soo jeediyey in markiiba La beegsado Hogaanka cusub ee ay doortaan, Sidoo kale wuxuu dar daaran ujeediyey Dawlada Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook