Joel Campbell Iib Ma Ahan Meelna Ugama Socdo Kooxdiisa Arsenal

Man Utd oo isku diyaarineysa inay dalab xilli dambe ah ka gudbiso xiddiga Arturo Vidal

Arsene Wenger:: “Joel Campbell Iib Ma Ahan Meelna Ugama Socdo Kooxdiisa Arsenal.”

Aug 31, 2014 –

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa daboolka ka qaaday in weeraryahanka kooxda Man United ee Joel Campbell uusan marnaba ka tagayn kooxda Arsenal xagaagan.

Wenger ayaa manta saxaafadda u sheegay in kooxaha badan ee doonaya xiddigan in uu u sheegayo in ay iska iloobaan iibsiga xiddigan 22 jirka ah ee Joel Campbell.

Kooxda AC Milan ayaa si aad ah loola xiriirinayay in ay doonayso xiddigan Joel Campbell, halka naadiga France ka dhisan ee PSG ay iyana maalma kooban indhaha ku haysay xiddigan balse markii dambe ay ka talo baxday.

“Wuu nala joogayaa xiddigan Joel Campbell meelna ugama socdo kooxda xagaagan kooxda Arsenal xiddigan Joel,” Ayuu Wenger uu usheegay The Mirror.

“Waxaan ka warhayaa in ay kooxa badan doonayaan, waxaan u sheegayaa in uusan xiddigan meelna u socon, mar dambena qaab amaah ah kuma bixin doono , marka yaysan waxba kooxuhu isku daalin doonitaaka xiddigan hadii aan diidnay waa sidaan u diidnay.”

Si kastaba kooxda Gunners ayaa galabta waxay marti u noqonaysaa kulan ka tirsan horyaalka ingiriiska kooxda Leicester City oo ay ugu tagayso garoonkeeda King Power Stadium.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook