Jose Mourinho:”Waxaa Jeclaan Lahaa in Fernando Torres uu Ku Biiro Inter Milan.

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in uu jeclaan lahaa in Fernando Torres uu ku biiro naadiga Inter Milan halkii uu ku biiray Ac Milan.

Weeraryahnki hore kooxda Chelsea Fernando Torres ayaa amaah labo sannadood ah ugu biiray naadig Ac Milan ee dalk Talyaaniga islamarkaasna uu isaga tagay garoonka Stamford Bridge.

Jose Mourinho ayaa horey tababare ugu soo noqda kooxda Inter Milan isagoo u qaaday horyaalka Talyaaniga iyo koobka Champions League.

“Waxaa Door bidi lahaa in Fernando Torres uu ku biiro Inter Milan halkii uu ku biiray Ac Milan ayuu yiri Tababare Jose Mourinho.

Jose Mourinho ayaa intaas raaciyay in Fernando Torres uu yahay wiil cajiib ah lehne xirfad ciyaareed oo heer wanaagsan ah islamarkaaasna uu u baahnaa badal dhanka horyaalada ah.

Tababare Jose Mourinho ayaa hadalkaan ka sheegay isagoo ku sugan Seminaar heer tababarnimo ah oo Xiriirka kubadda cagta yurub ay soo qaban qaabiyeen.

Fernando Torres ayaa u dhaliyay 20 Gool kooxda Chelsea isagoo u ciyaaray 110 kulan isagoo ku biiray bishii Janaayo 2011 markaas oo ay 50 milyan ugu soo iibsadeen Liverpool.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook