opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Khaatumo Oo Yeelatay Gole Wasiiro +COD

Share

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta ku dhawaaqay golaha Wasiirada ee Khaatumo State oo mudooyinkii danbe aad loo hadal hayey.

Mudane Galayr ayaa magacaabay 7 Wasiir oo buuxa & 1 Wasiiru Dawle oo kamid ah golaha cusub ee Wasiirada, dhanka kale waxaa la sheegay in dhowaan la magacaabayo inta dhiman golaha Wasiirada oo lasoo dhamaystiri doono.

Hadaba Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Magacyada Wasiirada la magacaabay iyo Xilalka loo dhiibay.

1- Maxamed Cali Cartan (Wasiirka Wasarada Arimaha dastuurka iyo Federalka)

2 -Mukhtaar Ciise Faarax ( Wasiirka Wasaarada Macdanta & Biyaha)

3 -Xasan muuse Cawl ( Wasiirka Wasaarada Maaliyda)

4- Axmed Gacmo yare (Wasiirka Wasaarada Warfaafinta)

5 -Kayse Cabdiyusuuf ( Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta)

6- Faarax Cade Faarax ( Wasiirka Wasaarada Arimaha Bulshada)

7 -Ismaaciil Axmed Cali (Wasiirka Wasaarada amniga )

8- Ibrahim Maxamuud Guure (Wasiiru Dawlaha Xanaanada Xoolaha)

Waxaa la sheegay inay jiraan Wasiiro kale oo la magacaabay iyadoo dhanka kale wali la sugayo Kuxigeenada Wasiiradan iyo Agasimayaashoodii.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook