opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Klaas Jan Huntelaar Oo Laysku Haysto Cidii Ukubirlahaa

Share

Ciyaaryahanka Klaas Jan Huntelaar ayaa waxaa isku haysta inta badan kooxaha ugu waaweyn horyaalka England eek ala ah Arsenal, Liverpool iyo Tottenham Hotspur.

Haddaba marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoydda bisha Junuary ayaa weeraryahankan Klaas Jan Huntelaar  ayaa waxaa loo badinayaa in uu ka soo tago kooxda Schalke 04 uuna yimaado mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka ingiriiska.

Xiddigan Jan Huntelaar  ayaa waxaa lala xiriirinayay in uu kooxda Arsenal yimaado habeenkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoydda uu soo xirmayay, iyagoona Gunners intaa ka dib soo xeragaliyay Danny Welbeck oo ay ka soo qaateen kooxda Man United.

Si kastaba xiddigan Klaas Jan Huntelaar  oo heshiiska uu kula jiro kooxdiisa Schalke 04 waxa uu dhacayaa xagaaga dambe, laakiinse wali waxaan raadintiisa ka quusan kooxaha kala ah Arsenal Liverpool iyo Spurs.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook