Kooxda Waayaha Cusub iyo oo Holand Wacdaro Kadhigidoona Kana Qeyb Galaya Master Peace oo ka dhici doono 21 bishaan+ VIDEO

Saacado kahor waxaa Holland ka dagay Fanaaniinta Waayaha Cusub iyo Dhowr fanaan oo Kenyaan ah iyadoona si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Garoonka Schiphol ee Magaalada Amsterdam.

Wayaha Cusub oo garoonka diyaaradaha kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay u jeedka ay Holland u yimadeen uu yahay sidii ay u qayb gali lahayeen bandhig faneedka Master Peace oo ka dhici doono 21 bishaan ka dhacayo Magaalada Amsterdam ee dalka Holland.

Sidoo kale Waxaa Fanaaniinta soo dhaweyntooda ka qeyb galay Wariayal Soomaaliyeed oo caan ah oo kaamirada ka dhex muuqday sida Cabdi Weli ibraahin Garyare oo ka socday Tv-ga caalamiga ah ee Universal iyo Wariye Sare Cabdulaahi Taajirow oo isagana ka socday Tv-ga Qaranka Soomaaliyeed oo si gaar ah Wareysiga u qaadayey.

haddaba intaasi ka dib ayaa mid ka mid ah wariyaashaasi soo dhigay bartiisa Facebook uu ku leeyahay Qoraalkani uu ku muujinayo soo dhaweynta kooxda Waayaha Cusub oo matali doono Magaca Soomaali weyn.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook