Liverpool Oo Ku Bar-baratay Tottenham

Kooxda garoonkeeda la joogay ee Tottenham ayaa ciyaarta ku biloowday in ay xoogga saaraan u soo dhaqaaqidda afka hore ee difaaca Liverpool iyaga oo isku dayay gool waqti hore ay dhaliyaan balse ma dhicin taasi
Balse Liverpool dhag jalaq uma siin daqiiqadaha ugu horeeya ee xamaasadda Tottenham waxa ayna daqiiqadii 8-aad ay dhaliyeen gool aad u qurxoon oo uu lahaa Raheem Sterling.

Goolkaas ayaa ku yimid kubad si wacan looga soo shaqeeyay oo Daniel Sturridge ayaa dhex maray difaacyada Tottenham waxa uuna kubadda siiyay Joe Allen oo isna u sii baasay Raheem Sterling kaasi oo shabaqa dhex dhigay .

Ka dib daqiiqado , waxaa Tottenham gool xaqiiq ahaa ka qasaariyay Adebayor , waxa ayna Liverpool ciyaarayeen qeybtaan hore kubad isu dheeli tiran oo baasas ku saleysan iyadoo qeybtii hore nasiinada lagu aaday halkaas gool waqti saxiixooda cusub ee Balotelli uu kulankaan ciyaarayay

Dhanka kale tababaraha Liverpool ee Brendan Rodgers ayuu kulankaan u ahaa kiisii 100-aad ee horyaalka Ingiriiska

Qeybtii labaad durba Liverpool gool labaad oo rigoore ah ayay heleen waxaana laaday oo dhaliyay kabtan Gerrard daqiiqadii 49-aad, waxa ayna rigooradaas timid ka dib markii laacib Liverpool ah lagu carqaladeeyay qadka jibiska ka caagan ee Tottenham

Tottenham kulankaan wax la taaban karo ma muujin oo heer ciyaareedkooda waa uu liitay taasi oo kentay in gool 3-aad laga dhaliyo daqiiqadii 60-aad waxaana ka dhaliyay Alberto Moreno kaasi oo kubad ka soo jiiday meel fog kana soo qaatay laacib Tottenham ah isla markaana la yimid shabaqa illaa uu darbo la dhex dhigay .

Waxaana ka dib goolkaas ay Liverpool badaleen weeraryahankooda Balotelli kaasi oo garoonka ka baxay iyadoo kulankaan uusan qaadan kaarka digniinta oo asluub wanaagsan ayuu muujiyay , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay sedex gool oo nadiif ah oo ay guusha ku raacday Liverpool  xilli dhanka kale kooxda Aston Villa ay 2/1 uga badiyeen kooxda Hull City.

liv1
liv2
liv3
liv4
liv5
liv6

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook