Louis Van Gaal Oo Sharaxay Sababta Uu Danny Welbeck Ugu Ogolaaday Inuu Kooxda Ka Tago

Tababare Louis Van Gaal ayaa shaaca ka qaaday inuu Danny Welbeck u ogolaaday inuu isaga tago kooxda Manchester United, isagoo u sababaeeyay inuusan ku heer aheyn Wayne Rooney iyo Robin Van Persie.
23-jirka reer England ayaa 16 Malyan Oo Pound ugu biiray kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal, xili United ay lasoo saxiixatay Radamel Falcao oo ay sanad amaah ah kaga heysan doonto kooxda As Monaco ee dalka faransiiska.
Welbeck oo ah wiil kasoo qalin jabiyay kuleejka kooxda Manchester United, ayaan waligiis dhalin wax ka badan 9-gool hal xili ciyaareed, Louis Van Gaal ayaana shaaca ka qaaday in sababtaas ay tahay arinta ka dambeysa iibkiisa.
“Waan la hadalnay Danny Welbeck iyo Chicharito ka hor inta aanan jaanis u helin saxiixa Radamel Falcao” ayuu tababaraha reer Holland u sheegay saxaafadda.
“Waxaan siiyay sadexda weeraryahan fursad ay igu qancin karaan tayadooda, Danny Welbeck wuxuu inta ku sugnaa ilaa sagaal jirkiisii”
“Wuxuu ciyaaray sadex xili ciyaareed kadib markii uu kasoo laabtay Sunderland, balse ma uusan dhalin rikoorka gooldhalinta ay dhaliyeen Robin Van Persie iyo Wayne Rooney, taasna waa sababta aan u diray, sababtuna waa Falcao, balse da’yartu fursad wey heli doonaan”
Ugu dambeyntii iibka Welbeck ee Arsenal waxaa ka timid qeylo dhaan fara badan iyadoo halyeeyadii hore kooxda ay aad u dhaleeceeyn in Arsenal laga iibiyo, sidoo kalana Van Gaal ayaa dajiyay jawiga da’yarta kooxda ee ku naxay iibka Welbeck isagoo u sheegay iney fursad heli doonaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook