opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

MAAREEYAHA GAROONKA MUQDISHO OO LA SHEEGAY INUU DHAAWAC YAHAY OO USAN DHIMAN+ COD

Share

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inuusan dhiman Maareeyaha Garoonka Muqdisho Cali Madoobe, oo saaka warar soo baxay ay sheegayeen inuu geeriyooday, xilli babuurkiisa kooxo hubaysan ay rasaas la dhaceen.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Siciid Maxamed Qoorsheel ayaa ku waramaayo in Cali Madoobe uusan dhiman oo uu nool yahay, balse ay dhinteen qaar kamid ah ilaaladiisa, oo xilliga gaariga la rasaaseenaayay la socday baabuurka.

Maareeyaha Garoonka Muqdisho Cali Madoobe oo hada xaaladiisa caafimaad lagu dabiibaayo Isbitaalka Xalane ee Amisom.

Inkastoo Wasiir Qoorsheel uusan si dhab ah faah-faahin uga bixin dhaawaca culus ee soo gaaray maareeyaha Garoonka Muqdisho, ayaa warar lagu kalsoon yahay, waxa ay xaqiijinayaan in dhaawaca Cali Madoobe uu yahay mid aad u culus.

Kooxaha hubaysan ee rasaasta la dhacay gaariga uu saarnaa Maareeyaha Garoonka Muqdisho ayaa ka baxsaday goobta falkaan ay ka geysteen oo aheyd Isgoyska Danwadaagta ee Degmada Wadajir, xilli Maareeyaha uu kusii jeeday Garoonka Muqdisho oo ah halka shaqadiisa ay tahay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook