Maareeyihii Aiporka Muqdisho Oo Ladilay

Xoogagaan, ayaa gaari uu la socday Maareeyaha ku horgooyay gaarigii ay wateen, iyagoona rasaas xoogan oodda kaga qaaday, wuxuuna weerarkaan ka dhacay laamiga Danwadaagta ee Degmada Wadajir.

Cali Maxamed Madoobe, ayaa waxaa lala dilay laba nin oo la socotay, middi waxa uu ahaa wadihii gaarigiisii, halka midka kalana waxaa lagu sheegay askari ilaalo u ahaa.

Raggii weerarka geystay, ayaa durbaba ka baxsaday goobtii ay weerarka ka fuliyeen, mana jirto cid la sheegay in ay ku baxday, si Cadaalada loo horkeeno.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ee Degmada Wadajir, ayaa daqiiqado ka dib waxay gaareen laamiga Danwadaagta, waxaana la soo sheegayaa in ay baaritaano ka wadaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook