Madaxweynaha Xasan Sheekh Oo Laweydiiyay Suaalo Kulul Muxuuse Kaga Jawaabay?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay waxa uu ka qeyb galay kulan dood ah kaa oo ka dhacaayay magaalada Muqdisho toosna looga baahinaayay warbaahinta Qaranka Soomaaliya.
Doodaan ayaa la xiriirtay Laba sano ka dib doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama 10-kii bishaan ay Laba Sano ugu ekeed, waxaana uu diiradda saaray arimo badan oo xasaasi ah.

Waxaa goobta ku sugnaa wasiiro ka mid ah xukuumada Soomaaliya waxaana la arkaayay wasiirada kala ah Arimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta Dhuxuloow, wasiirka Dastuurka Faarax C/qaadirm Wasiirka Arimaha dibadda Baylah iyo wasiiro kale, waxaana goobta ku sugnaa rag xilal horay DF xilal uga soo qabtay waxaana ka mid ah C/kariin Xuseen Guuleed, iyo rag kale, sidoo kale xildhibaano iyo Marti sharaf kale ayaa goobta ku sugnaa.

Hadaba halkaan laguma soo koobi karo waxyaabaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka hadlay, hase ahaatee waxaynu ka xusi donna qodobadii ugu xasaasisanaa.

Waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah arimaha ku aadan shaqooyinka iyo dhalinyarada, waxaana uu sheegay in dowladiisa ay ku dadaashay in dhalinyarada wax baratay ay shaqo u abuurto.
“Xafiisyada dowladda, shirkadaha iyo meelaha kale ee shaqo bal hadda eega, waxa ka shaqeeyo waa dhalinyaro wax bartay, dalkaan dhalinyarada ayuu u baahan yahay”

Waxa uu sheegay in dowladiisa sidoo kale ay wado qorshe adag oo dhalinyarada Soomaaliyeed shaqooyin loogu abuuraayo si dalka ay wax badan ugu qabtaan una yeeshaan dhalinyarada wax soo saar wanaagsan.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale waxaa wax laga weydiiyay arinta ku aadan xil ka qaadista Taliyaha Nabad sugidda Sanbaloolshe, isaga oo si cajiib ah u jawaabay.

Waxa uu sheegay in shaqsi walba xilka laga qaadi karo islamarkaana aan loo arag wax weyn xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimaha hay’adda nabad sugidda Qaranka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax weyn ma ahan, nabad sugidda waxay ka mid tahay Afarta ciidan ee dalka ka jira, dastuurkana ogol  yahay. hadii taliyaha xilka laga qaaday waa laga qaadi karaa culees malahan shuruuc looga qaadi karo ayaa jirta hadii la qalday waa la saxaa hadii la saxayna waaba sidii la rabay, haduu wanaagsanaa boqolaal kaloo kasii fiican ayaa la helaa”

Dhanka kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee banaanka markii ay joogaan kulamada yeesha islamarkaana qodobada soo saara.

Waxa uu sheegay in xildhibaanka go’aankiisa uu soconaayo oo kaliya marka golaha shacabka ku dhex jiro, laakiinse banaanka go’aan ay koox ku gaareen yahay kuwo shaqsiyadeed oo kaliya.

“Xildhibaanada hadii ay meel banaanka ku sheekeestaan wax dhib ah malahan, laakiinse waxa sharciga waa kan lagu gaaro xarunta golaha shacabka waayo xildhibaanka halka loo sameeyay waa halkaasi”

Waxaa jirtay sidoo kale su’aal ay weydiisay gabar Soomaaliyeed taa oo ku aadan dhanka wax u qabashada curyaamiinta iyo sidoo kale doorka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

“Waa su’aal aad u muhiim ah dowladda waxay ku tala jirtaa wax u qabashada dadka curyaamiinta ah, waxaa jiray kulamo uu la yeeshay gudoomiyaha Baarlamaanka, dowladana waxay isku dayday inbadan oo dadkaasi ka mid ah in ay wax u qabato, shacabka sidoo kale waxya ku amaanan yihiin sida ay ugu gurmadaan dadka dhiban”

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya waxaa qof dalka dibadiisa jooga uu Twitter kasoo weydiiyay su’aal ku saabsan in ciidamada AMISOM ay baxaayaan sanadka 2016-ka iyo waxa arinkaasi ka jira.

“Ciidamada AMISOM ilaa hadda meel lagu dhahay 2016-ka ama lagu saxiixay inay baxaayaan aniga meel kuma sheego, laakiinse waxaan ogahay in ciidamada AMISOM ay baxaayaan hadii anaga aan isku filnaano, AMISOM waxay noogu yimaadeen in ay na garab qabtaan waayo anaga caalamka ayaa noo arkay in aan noqonay meel god weyn oo mugdi ah islamarkaana caalamka Qatar ku ah loogana duulo, hadaan godkaasi meesha ka saarno AMISOM Ubax intaan siino waxaan leenahay waad mahadsantihiin ee iska baxa”

“Mida kale dadka Soomaalida qaarkood waxay dhahaan maxaa AMISOM intaas ay lacag u qaadanaayaan maa ciidankeena la siiyo, horta ma’is weydiinay in ciidamada AMISOM ay yihiin shisheeye aan dalkaan lahayn, markii nabad aan helno wey baxaayaan, laakiinse askariga Soomaaliga ah isagaa dalkaan leh, maanta hadii isaga oo xero ciidan ku jiro ku baahdo waxa uu gali karaa xeradaasi guriga ka dhaw dadka Soomaaliyeed ee degan ayuu la cuni karaa Canjeerada iyo Cambuulada, laakiinse askari AMISOM maya ileen dalkii malahan, marka dalkaaga maba ahayn inaad lacag iyo wax kale aad ku xirto, hadii anaga 2016-ka ciidamadeena dalka ku filnaadaan AMISOM ma joogayso wey baxee ileen hadafkii ay u timid ayaa sidaasi ahaa, mida kale ma jirto cid nafteeda lacag ka dooranaysa, yaana loo arag in AMSIOM lacag noo soo doonatay, hadii ciidankeena nagu filnaan waayaan sanadkaas taa ayaa dhib ah hadaan dhahno AMISOM ha joogto waxaa nagu dhici doonta sidii 1995 ee ciidamadii nabadda noogu yimid aan qasnay markaasna halmaalin ay isaga baxeen”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadlay qirshahiisa 2016-ka ee ah in uu is soo sharixi doono iyo in kale, waxaana uu ku dhawaaqay inuu musharax soo noqon doono.

“Aniga ka Xasan Sheekh ahaan waxaan idiin cadeynayaa inaan musharax noqon doono, xuquuqdeyda kama leexanaayo, laakiinse hadii la helo wiil ama Gabar xilkaasi qabta waxaa balan ah inaan la shaqeeyo oo aan dhaho war ka leexo meesha waa godad waa lagu ku faa, halkaan waxaa yaala biyo ee reerka ku leexi”

Ugu dambeen Madaxweynaha Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay in 2016-ka dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah qof walbana codkeeda ay ku dhiiban karto.

Dooda Xalay  ayaa waxya ahayd mid aad u xiiso badan, waxaana Wariyaasha Warbaahinta Wardoon.net  ay ahaayeen kuwo dhegaha u taagaayay hadalka Madaxweynaha iyo sidoo kale dadkii su’aalaha weydiinaayay.

Ugu dambeen dooda ayaa kusoo dhamaatay sidii loogu tala galay, iyadoona madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Labada Sano u hartay ku balan qaaday in wax badan dowladiisa ay ku qaban doonto.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook