Madoobe Nuunoow Oo Balan Qaad Helay

Warar aynu si hoose u helnay waxay sheegayaan in Madoobe Nuunoow Maxamed lagu qancinaayo inuu raaco maamulka Sedaxda ah, islamarkaana xil muhiim ah loo dhiibi doono.

Gudoomiye Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuaa la sheegay in ay la hadleen Madoobe Nuunoow loona sheegay in maamulka KMG ee la sameyn doono islamarkaana Sedaxda gobal ah in Madaxweyne looga dhigi doono.

Waxa hadda lasoo tabinaayaa in uu aad ugu qancay qorshahaan loo soo jeediyay, waxaana laga yaabaa in dhawaan uu ku dhawaaqo inuu tanaasulay oo Sedaxda taageeraayo.

Hadaba waxaa meesha ku cad in banaan cidlo ah uu kusoo dhacaayo siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Sayid Aadan, kaa oo Madoobe Nuunoow ku xigeen u ah.

Hadaba waxaa la ogaan doonaa sida ay wax noqon doonaan, inkastoo la leeyahay Maxamuud Sayid Aadan isna waxa uu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Madoobe Nuunoow Oo Balan Qaad Helay”

  1. run tilmaan says:

    Riyo been ah waste ragii keensaday xageey aadayan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook