Marco Verratti oo ku gacan seyray Real Madrid

Xiddiga qadka dhexe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti ayaa qandaraas cusub oo ilaa 2019ka ah qalinka ugu duugay kooxdiisa.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Italy, oo kooxda heysata horyaalka France uga soo biiray kooxda Pescara xagaagii 2012kii, ayaa lala xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo Real Madrid intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub xagaagii.

Si kastaba ha ahaatee, 21 sanno jirkaan ayaa haatan mustaqbalkiisa u hibeeyey kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 isagoo u saxiixay qandaraas cusub oo shan sanno ah.

Verratti ayaa laba horyaal oo Ligue 1 iyo Coupe de la Ligue kula guuleystay PSG muddo laba sanno ah oo uu la joogay.

HALKAN KA AQRI HADAD ENGLISH TAQAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook