opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Messi Oo Goolashiisu Gaareen 400 Gool

Share

Miishinka gool dhalinta xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay gooldhalinta uu ku gaadhay afarta boqol ee gool (400). Messi ayaa kulankii xalay kooxda Barcelona ku xasuuqday kooxda Granada dhaliyay laba gool kuwaas oo ahaa goolashiisii 400 aad iyo 401 aad.

Messi ayaa sheegay inuusan waligii ka fikirin inuu gaadhayo afar boqol  oo gool.Messi ayaa hadda dhaliyay 401 gool kuwaas oo ah inta gool ee uu si rasmi ah ugu dhaliyay kooxdiisa Barcelona iyo qarankiisa Argentina.

Messi oo ay wali da’diisu tahay 27 jir isla markaana wali haysta fursad uu goolal badan oo kale ku dhalin karo ayaa rumaysan la gool dhalintiisa wuxuuna hadda bartilmaa meedsanayaa inuu gaadho rekoodho cusub.

Messi ayaa yidhi: “Anigu waligay maan filayn inaan gool dhalinta noocan oo kale ah gaadhayo waayahayga ciyaareed”. Messi ayaa sidan ku sheegay bartiisa Facebook-ga uu ku leeyahay.

“Waad ku mahadsan tihiin dhamaan dadka iigu soo hambalyeeyay inaan gaadhay goolkaygii 400 aad kuwaas oo aan u dhaliyay kooxdayda Barcelona iyo qarankayga Argentina.Waan sii wadi doonaa inaan aad uga shaqeeyo si aan u gaadho bartil maameedyo kale. Aad ayaad u salaamantihiin”.

HALKAN KA AQRI HADAAD ENGLISH TAQAAN

NY NY1

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook