Milan Oo Parma Kugaraacday 5-4 Kadib Ciyaar Adag Oo Dhexmartay+ SAWIRO+VIDEO

Kooxda Milan ayaa guul xaraarad leh ka gaartay kooxda ay marti u ahaayeen ee Parma oo ay wada lahaayeen kulan qeyb ka ahaa wareegga 2-aad ee horyaalka Italy .
Milan ayaa Parma ugu awood sheegatay 5/3 iyadoo goolasha Milan ay biloowdeen daqiiqadii 25-aad waxaana dhaliyay Giacomo Bonaventura halka Keisuke Honda uu sii raaciyay goolka 2-aad daqiiqadii 37-aad waxa ayna Parma sii raacsadeen gool 3-aad oo kale waxaana rigoore ku saxiixay Jeremy Menez .
Parma ayaa si ay u soo yareeyaan goolasha wax ay dhaliyeen gool daqiiqadii 27-aad waxaan u dhaliyay Antonio Cassano iyadoo nasiinada lagu aaday 3/1 , waxaana Parma u sii labeeyay Felipe daqiiqadii 51-aad halka Milan kaarka casaanka uu ka qaatay Daniele Bonera daqiiqadii 58-aad
Milan oo ciyaar aad u sareysay soo bndhigtay ayaa dhalisay gool 4-aad daqiiqadii 69-aad waxaan u saxiixay Nigel de Jong .
Ciyaarta xamaasad ayay sii yeelatay Parma dadaal wax ay u galeen in xaaladda ay badalaan waxa ayna heleen gool 3-aad daqiiqadii 73-aad waxaana saxiixay Alessandro Lucarelli halka Parma kaarka casaanka laga siiyay Felipe daqiiqadii 78-aad waxa ayna taasi sahashay in Milan helaan gool 5-aad daqiiqadii 79-aad waxaana labeystay Jeremy Menez oo ciribta ku dhaliyay
Ciyaartaan waalida ahyed ayay Parma ku heleen gool 4-aad daqiiqadii 89-aad waxaana si qaldan isaga dhaliyay Mattia De Scigli , waxa yan ciyaarta ku dhamaatay 5/4
Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com