Milkiilaha Arsenal Iyo Taageeyaasha Oo Lacag Isku Haysta

Milkiilaha Arsenal Stan Kroenke ayaa sabab u noqday carada taageerayaasha kooxda ka dib markii uu 3 milyan ginni kala baxay akoonka kooxda.

Kroenke ayaa ayaa mar walba ku celcelin jiray inuusan qaadan doonin lacagta faa’idada saamileyda markii uu la hadlayay jamaahiirta Arsenal.

Laakiin milkiilaha reer Mareykanka ayaa lacag 3 milyan ginni ah ka baxsaday akoonka kooxda sida ay ku warameyso The Guardian.

Waxaana ay talaabadaas ka careysiisay taageerayaasha Gunners iyadoo xadiga lacagtaas ay la mid tahay lacagtii laga helay qiimo kordhintii lagu sameeyay tikidhada kooxda ee xilli ciyaareedkan oo lagu daray boqolkiiba 3.

Jamaahiirta Arsenal ayaa durbaba bixiya lacagta ugu badan celcelis ahaan tikidhada kooxaha Premier League.

Kroenke waxa uu sidoo kale leeyahay kooxda ka ciyaarta NFL oo la yiraahdo St Louis Rams iyo koox NBA ah oo la yiraahdo Denver Nuggets, laakiin labadaas kooxoodna marnaba kama qaadan lacagta faa’idada saamileyda.

HALKAN KA AQRI HADAD ENGLISH TAQAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook