Mooshin loo qeebshay Xildhibaanada iyo C/wali sheekh oo si deg deg ah looga yeeray Baarlamaanka +VIDEO

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Maalmo gudahood in uu yimaado looga yeeray Baarlamaanka Soomaaliya si uu kaga jawaabo su’aalo ay weydiinayaan Xildhibaanada Baarlamaanka
Gudoomiya Kuxigeenka 2-aad Baarlamaanka ayaa qeexay Gudoonka Baarlamaanka in ay Warqad uqorayaan Ra’iisul Wasaare c.wali si Golaha Baarlamaanka uu u yimaado,iyadoo su’aala laga weydiinayo Heshiis Xukuumada ay lagashay Shirkad laga leeyahy Dalka Turkiga.
Mahad Cabdala Cawad ayaa kahor sheegay Xildhibaanada Ra’iisul Wasaaraha jawaab cad in uu kabixiyo Heshiiska Shirkada Turkiga iyo Xukuumada dhaxmaray iyo waxa uu ka dhign yahay.
Waxaa sidoo kale Xildhibaanada loo qeebshay Mooshin ka dhan ah Talaabada ay Xukuumada Soomaaliya ku Ogolaatay Hishiiskii lala galay Shirkadaasi Turkiga ah ee lagu Wareejiyay Maamulka Dekada Muqdisho
Shalay ayey aheyd markii Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga lagu Wareejiyay Maamulida Dekadda Muqdisho waxaana ka Caruuday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook