Mourinho Oo Sheegay Inuu Kukalsoon Yhay Kooxdiisa

ababaraha kooxda Chelsea ee Jose Mourinho ayaa carabka ku adkeeyya in uu si weyn ugu faraxsan yahay in uu haysto tiro ciyaartooy oo kulan Chelsea , waxa uuna xusay in kooxdiisa ay haatan awooddo in ay ku guuleystaan dhamaan tartamada ay ku jiraan oo ay koobab soo hoyin karaan .

Chelsea ayaa sabtida wajaheysa kooxda Swansea City iyadoo labadaan koox ay soo wada badiyaan sedexdii kulan ee ay illaa haatan soo ciyaareen

Kulan wareedka ka horeeya ciyaartaas ayuu Mourinho ka yiri ” waa arin fiican in aan haysanno xiddigo nagu filan illaa xad , tani waxa ay nasiineysaa heer ciyaareed wacan iyo deganaasho”.

Mar uu ka hadlayay saxiixa cusub ee Chelsea ee Loic Remy ayuu Mourinho yiri ” waxaan u arkaa in uu awoodo in kulankaan uu u noqdo kiisii ugu horeeyay ee uu Chelsea kula soo muuqanayo , diyaar ayuu u yahay kulankaan , aan aragno waxa dhaca”.

Dhanka kale waxa uu amaanay heer ciyaareedka daafaciisa Cahill isaga oo xusay in uu mudnaa in laga dhigo kabtanka labaad ee qaranka Ingiriiska

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook