Nikolas Kay Oo Baydhabo Lagasoo Cayriyay+ COD

Magaalada Baydhobo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa waxaa ka taagan wali Ismariwaa xoogan oo ku saabsan Maamullada iska soo horjeedo ee Lixda Gobolka & kan Saddexda Gobol.
Magaalada ayaa waxaa kusii qulqulaya Wafuud ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya & Beesha Caalamka kuwaasi oo isku dayaya inay mideeyaan Maamullada is diidan, oo mid kamid ah DFS aqoonsatay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaano, Wasiiro & Ergayga QM ee Soomaaliya Nicholas Kay waxaana ay kulamo gaar gaar ah la qaadanayaan Mas’uuliyiinta Labada dhinac si ay uga dhaahdiciyaan in la isagu yimaado Shirweyne lagu dhisayo Maamul ka kooban 3 Gobol.

Nicholas Kay, ayaa markii u shalay tagay Baydhobo waxa uu la kulmay Odayaal & Madaxda Maamulka Lixda Gobol oo uu kamid ahaa Malaaq Xasan Shuure Maxa’uud, balse Kulanka waxa uu ku dhamaaday Is-fahamwaa.

“Waxaan la kulanay Shalay Nicholas Kay, Ergayga QM, waxaan u dhiibnay Warqado ay ku qoran yihiin Hadafkeena & Rabitaankeena, wuxuuna noo sheegay wax aan aqbali karin oo ah inaan ka tanaasulno Maamulkeena Lixda Gobol oo kan 3 Gobol ku biirno,” Malaaq Xasan Shuure Maxa’uud.

Malaaq Xasan Shuure Maxa’uud, ayaa tilmaamay in Maamulka Lixda Gobol uu noqon doono midka ka taliya Koonfur Galbeed, haddii ay dad la hadlayaana ay noqon karaan Kooxda joogta Kismaayo ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

“Wadahadal waxaa naga naxeeya oo kaliya Maamulka Kismaayo oo aan Dhulka Koonfur Galbeed wadaango, ee marna mala kulmi doono kuwa sheeganaya Saddexda Gobolka ee Xamar laga soo abaabulay,” ayuu yiri Malaaq Xasan Shuure Maxa’uud.

Wuxuu sheegay in Hadalka uu wado Nicholas Kay u yahay mid Gudoomiye Jawaarey Iyo Madaxweyne Madoobe Nuunow horay Isku Afgaran Waayeen oo Arrimaha  Arimaha Koonfur Galbeed ku saabsan.

Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Federaalka, oo laga xusi karo Sheekh Aadan Madoobe & Maxa’ed Ibraahim Xaabsade ayaa si weyn u taageersan Maamulka Lixda Gobolka, waxaana ay hadda ku suganyihiin Magaalada Baydhobo.

Xildhibaanadan & Siyaasiyiin kale oo Rugcadaa ah ayaa ugu baaqaya Shacabka Baydhobo inaysan aqbalin Hadalka DFS, oo marna ka tanaasulaan Maamulkooda Lixda Gobol, iyadoo taasina ay ka dhigtay Magaalada Xudunta Dibadbaxyo & Isku-dhacyo dhiig ku daanaya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook