opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Norwey Oo Qasab Kucelisay Somalibadan magalada Muqdisho+ cod

Share

Wararka naga soo gaaraya dhanka garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ilaa Lix muwaadiniin soomaali ah laga soo tarxiilay Dalka Norwey.

Lixdaasi Ruux ayaa waxaa la sheegayaa in dib loogu celshay diyaaradii kasoo dajisay Garoonka Aadan Cadde.

Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Gen.Cabdulaahi Gaafow Maxamuud, ayaa sheegay in Lixdaasi ruux Tarxiilkooda lagu soo wargaliyay balse ay arrintaasi u arkaan mid gardaro ku aheyd Muwaadiniintaasi.

Waxa uu sheegay in Tiradaani ay tahay tii ugu badneyd oo ka imaada Dalalka yurub islamarkaana hal mar laga soo dajiyo Garoonka Aadan cadde.

Taliyaha oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa waxa uu sheegay inaysan Ogolaan doonin in muwaadiniin si sharci daro lagu soo qabto laga soo dajiyo Garoonka.

Ma aha markii ugu horeysay oo Soomaali tarxiil ah laga soo dajiyo garoonka Aadan Cadde balse waxa ay kuwaani noqonayaan kuwii ugu badnaa oo mar qura laga soo wada dajiyay garoonka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook