Odayaal Reer Kismaayo Ah oo Kucalaacalay in qori caaradiisa looga qeyb gelinaayo shirka ka furmaaya Magaaladaas+ COD

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qori caaradiisa looga qeyb gelinaayo shirka maanta ka furmaaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Odayaashaan oo amaanka awgiis magacyadooda u qariyeen waxay sheegeen in ay guryahooda ugu yimaadeen Dhalinyaro hubeysan misane Indhaha soo xirtay, ayna la socdaan qaar ka mid ah xubnaha qaban qaabinta Shirka, kuwaa oo ugu goodiyay hadii aanay shirkaasi ka qeyb galin in la dilaayo.

Odayaashaan ayaa sheegay in naftooda ay la baqanaayaan shirkaanna ay ku qasbanyihiin inay ka qeyb galaan, maxaa yeelay hadii aanay ka qeyb galin, waxay halis ku yihiin in la dilo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook