Prof, Jawaari oo muuqaal sir ah laga duubay isaga oo reerkiisa la hadlaya +VIDEO

Maxamed Cismaan Jawaari, oo ah afhayeenka Baarlamana Soomaaliya ayaa waxaa laga duubaqy muuqaal Video ah, isaga oo magaalada Baydhabab si gaar ah ugula hadlaya beeshiisa.

Waxa uu muuqaalka ugu baaqayaa beeshiisa, inay isku duubato, si looga gudbo dhibaatada lagu hayo dadkooda, gaar ahaan kuwaada ku sugan deegaanada Puntland, oo uu sheegay in xarig lala daba joogo, hantidoodana la boobayo..

Jawaari oo ay ka muuqato carro ayaa waxaa uu dadkiisa ku dhaliilay inay dhexdooda isku mashquulsan yihiin islamarkaana aysan laheyn wax midow ah, laakiin waxaa uu sheegay in xilligan la joogo waqtigii ay wada jir noqon lahaayee.

“Hurdada kakaca, oo iska daaya reer hebal iyo reer hebalka aad isku heysatiin. Reer Buur iyo reer Baydhabo iska dhaafa markii aad halkan ka tagtaan, oo midooba” ayuu yiri Jawaari.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Puntland ay dhibaato xoogan ku heyso shacabka iyo ganacsatada kasoo jeeda beeshiisa, isagoona sheegay in isla maanta ay dadka ganacsatada ah ee kasoo jeeda reerkaasi ay Puntland kula kacday xarig, taasi oo uu aad uga muujiyey caro xoogan, uuna sheegay in teleefon lagu soo war-geliyey..

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

2 thoughts on “Prof, Jawaari oo muuqaal sir ah laga duubay isaga oo reerkiisa la hadlaya +VIDEO”

  1. mahad arsanal says:

    wax sir ah kamu arag hadal odayga ee runta uun buu sheegay dadka digil iyo mirifle si aan wanagsaneyn ayaa loola dhaqma markay tagaan goboladas taasna wa run, waxey doorbideen iney usoo cararaan galmudug

  2. maxamed says:

    anigoo tixracaya khudbada Gudomiyaha Barlamanka DFS,Dr.Maxamed shiekh Cisman Jawari,oo uu ku dhaleceyey Dawlad Gobaledka Puntland,waxan orankara waa arin nasiib daro ah,sababto ah asagoo ah Gudomiyeyaha Barlamanka Jamhuriydda Fadaralka Somaliya,isla markasna ah nin u dhexeya ummadda somaliyed,in Eed aan sal iyo rad tona lahan uu ku hadlo,xata hadii aay jirto ninkii waxas ku hadli laha usan asagu ahan,waxa marka so baxaday in ulumiyey kalsonidi loqabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook