opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Punland Oo Inkirtay Inay Iyadu Bilowday Fowdada Gaalkacyo Kataagan+ cod

Share

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Puntland C/wali Xirsi Cabdulle Indha-Guran oo u warmay Idaacada VOA Laanteeda Af-Soomaaliga ayaa beeniyay in uu Xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

C/wali Xirsi Cabdulle Indha-Guran Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Garoonka Magaalada Gaalkacyo uu shaqeenayo islamarkaana aysan jirin Cid xirtay Ama Xiri karta.

“Weey jirtay in Maamulka Galmudug ay ku dhawaqeen in Garoonka Puntland uu Xiran yahay,laakiin taas ma dhicin oo Garoonka wuu shaqeenayaa Galmudugna Garoomada Puntland maxiri karto”ayuu yiri Indha-guran.

Horay Maamulka Puntland waxaa uu sheegay in Garoon Diyaaradeed oo ku yaala Koofurta Magaalada Gaalkacyo ay Puntland xirtay,iyadoona sidoo kale Mamaulka Galmudug uu dhankiisa sheegay maalmo ka dib in Garoonka Magaalada Gaalkacyo uu xiray islamarkaana uu xirnaan doono ilaa la Xaliyo Khilaafka labada Maamul.inkastoo Wasiirka Warfafinta Puntland uu sheegay in aysan jirin Garoon Diyaaradeed oo Puntland ay Xanimtay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook