opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Puntland Oo caay Ugu Jawaabtay Cabashadii Madaxweyne Cabdiqeybdiid+ COD

Share

Afhayeen u hadlay Wasaarada warfaafinta Maamulka Puntland oo lagu Magacaabo Cabdi Naasir Baddal oo maanta Magaalada Garoowe Warbaahinta kula hadlay ayaa ka jawaabay Eedeen uga timid Maamulka Galmudug oo aheyd in Puntland ay diiday Diyaarado ka soo daga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ay ka dhisatay Koofurta Magaalada.

Afhayeenka u hadlay Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diidan tahay Hub Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu kala soo dagayo Garoonka kuyaala Koofurta Magaalada Gaalkacyo,Hubkaas oo Puntland ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay siisay Galmudug.

C/naasir Badal ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu Colaad ka hurinayo Gobolka Mudug,isagoona Tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in uu Hubka iskugu dhiibo Dadka daga Gobolka.

“Hub Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya loogu talo galay ayaa Xasan Sheikh uu Galmudug siiyay si Colaad loogu Huriyo Cabdi Qeybdiid ayuu u dhiibay,Puntland taas ayey Diidan tahay”sidaa waxaa yiri Afhayeen C/naasir.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ayaa Shalay Sheegay in Puntland ay Xanimaad ku soo rogtay Garoon diyaaradeed oo Galmudug ay leedahay,waxaana Qeybdiid uu sheegay in Warqad Cabasho ah uu u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Puntland ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dagaal ka waddo Gobolka Mudug,waxaana Puntland oo arrintaasi Faahfaahinaysa ay tiri‘’…Madaxweynaha Soomaaliya ayuu heshiis kula galay Hubkii Beesha Caalmku bixisay oo Soomaali in lagu Difaaco loogu talagalay oo amaanka Soomaaliya loogu talagalay inuu Ciisalay uga raro,oo Balidoogle uga raro,oo Nambar 50-uga raro,maadama Amisom aysan Garoomadaa Gacanta ku hayn,isagoo Hab beeleed Madaxweynaha Soomaaliya uu rabo inuu ku taageero,iyada oo Madaxweynaha Puntland uu horay u sheegay inuu Cabdi Qaydiid uu yahay Gardaro Garab og,oo Dolwada Federalka garab ka helaya si Gobolada dhexe dagaal looga bilaabo’.

Puntland ayaa Baaq u dirtay Beesha Caalamka,kaasi oo ay ku ogaysiinayso dagaalka Xassan Sheekh uu ka waddo Puntland‘’…Madaxda Amison,IGAD,Qaramada Midoobay,Beesha Caalamka iyo Aduunwaynaha daneeya amaanka Soomaaliya aan u cadaynaynaa inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu dagaal ka waddo Mudug,Cabdi Qaybdiidna uu u Wakiishay,maamada shir loo balamay,oo ay ogaadeen in Federaalku aysan gar ku helayn shirka Puntland iyo Federaalka ayay talaabadaa qaadeen.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Puntland Oo caay Ugu Jawaabtay Cabashadii Madaxweyne Cabdiqeybdiid+ COD”

  1. waa washeen, hadii dadku cuqdad qabiil qabaan marwalba waxey raadshan eed been ah oo aan raad laheyn, ilaah ka barya caafimaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook