Puntland oo jawaab kulul siisay Jawaari kuna saabsan Muuqaalkii sirta ahaa ee aynu soo bandhignay+ VIDEO

Dowladda Puntland ayaa ka jawaabtay maanta oo Axad ah hadalkii dhowaan kasoo baxay Afhayeenka Baarlamaanka Somalia Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle Indhoguran oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa sheegay Jawaari inuu u gafay shacabka Puntland, isla markasna aysan jirin wax dhibaato ah oo Ganacstaadda Bay iyo Bakool kala kulmeen mamulka iyo shacabka Puntland.

Docda kale Qaar ka mid ah Ganacsatadda Bay iyo Bakool ee magalada Garowe ayaa ka carooday hadalka Gudoomiyaha Baarlamanka , waxayna sheegeen inay ka xun yihiin isla markasna aysan wax dhibaato ah Puntland ku qabin.

Tan iyo shalay Qalabka warbaahinta ayaa hadal hayay dhawaaqa Afhayeenka Baarlamaanka Somalia ee ahaa in Ganacsatadda Bay iyo Bakool lagu dhibaateeyo Puntland, taasoo si wayn shacabka Puntland ay hadal hayeen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Puntland oo jawaab kulul siisay Jawaari kuna saabsan Muuqaalkii sirta ahaa ee aynu soo bandhignay+ VIDEO”

  1. mascuud says:

    puntland waa meel lagu handado waxii aan aheen qabiilka u taliyo meeshaas waana run hadalkii ka soo yeeray gudoomiyaha barlamanka waxaa oo kale oolooyaqaan 1.5 oo micneheedu yahay hal qolo iyo waxba mahad sanid jawaari

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook