opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee AMISOM lagula beegsaday Duleedka Magaalada Muqdisho iyo qasaarihii kadhashay+ SAWIRO

Share

Ugu yaraan 16 ruux oo shacab ah, ayaa ku dhimatay iyadoo in ka badan 30 kalana ay ku dhaawacantay, ka dib markii kolonyo ay lee yihiin Amisom lala beegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Weerarkaan wuxuu xilligii Salaadda Casir ee maanta ka dhacay inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Xaawo Cabdi.

Kolonyadaan waxaa la socotay Saraakiil Cadaan ah iyo C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana mid ka mid ah kolonyadaasi lagu dhuftay gaari NOAH ah, oo uu la socday nin naftii hurre ahaa.

Laba gaari oo caasi ah oo middi ay la socdeen rakaab ka yimid dhinaca Afgooye iyo mid raashiin ku rarnaa, oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho, ayay sidoo kale waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu si adag u beeniyay in ay ciddi ka dhimatay xubnihii saarnaa kolonyada Amisom, marka laga soo taggo dhaawacyada laba askari oo Uganda u dhashay iyo burbur ku mid mid ka mid ah kolonyadaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaasi ay yihiin dad shacab ah, wuxuuna Shabaabku ku eedeeyay sida ay markasta u xasuuqayaan dadka aan waxba galabsan.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyada weerarka ismiidaaminta ah, ayaa waxay sheegeen inay ku dileen Saraakiil Ajaaniib ah, oo ay ku sheegeen in dhalasho ahaan ay Mareykanka ka soo jeedaan.

Dhanka kale weerar kaloo ismiidaamin ahaa, ayaa casir liqii galabta waxaa meel ku dhow deegaanka Ceelasha Biyaha lagula eegtay, gawaari uu la socday Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Sabriye (Shaaweeye). Xilli uu ka soo laabtay deegaanka lagu weeraray Amisom.

Taliye Ku Xigeenka, ayaa u aaday deegaanka Xaawo Cabdi gurmad uu u fidinaayay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Amisom lala beegsaday, waxaana gaadiidkii uu la socday la weeraray, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Muqdisho.

Nin naftii hurre ahaa oo la socday gaari Kaarib oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa waxaa uu soo dhex galay gaadiidkii galbineysay C/fataax Ibraahim Sabriye, iyadoona uu isku qarxiyay.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sheegay in weerarku uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, isla-markaana dadka dhaawacmay uu ku jiro C/fataax Shaaweeye. Waxaana la dhigay Isbitaalka Amisom ee Xalane.

QAR
QAR1
QAR2
QAR3
QAR4
QAR5
QAR6
QAR7
QAR8
QAR9
QAR66
QAR77
QAR88

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook