Ragii Godka Jilacoow Isku Qarxiyay Oo Cod Lagasooduubay Intaysan Is Qarxin+ COD

Idaacadaha ku hadla Afka Al-shabaab ee Andalus iyo Radio Alfurqaan ayaa baahiyey Codad laga duubay Raggii weeraray Godka Jilicow ee Xarunta Xabsiga Nabadsugidda Magaalada Muqdisho Afar maalmood ka hor, waxaana codka laga duubay raggaasi lala dheehan karaa sida ay diyaar ugu ahaayeen in ay weerarkaasi fuliyaan iyagoo cibaado ugu dhawaanaya.

Codka laga duubay Raggii weerarka fuliyey ee lagu toogtay xarunta nabadsugidda iyaguna dad fara badan meesha ku dilay, ayaa ku kala hadlaya lahjadaha Af-soomaaliga ee Maay iyo Maxaa tiri.

Mid ka mid ah Ragga Weerarka Fuliyey oo ku hadlayey Lahjadda Maay ayaa sheegay in weerarka uu u fulinayo inuu ugu aaro Xasuuq iyo dhibaato uu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka gaysteen Gobolada Baay iyo Bakool.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook