Raisal Wasaaraha Oo Kashifay Sababta Xilka Looga Qaday Sanbolooshe+ COD

C/wali Sheikh Axmed Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Sababaha looga qaaday Xilka C/laahi Maxamed Cali ay tahay Kutagrifal Awoodeed iyo Xarig uu Sanbaloolshe kula kacay Xildhibano ka tirsan Baarlamaanka.

“Shaqo Wanaagsan ayuu hayey Sanbaloolshe oo Dowladda Soomaaliya Dan u ah laakiin waxaa uu Isticmaalay Awooda Xad dhaaf ah, sidaa ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya ay Xilka uga qaadeen Agaasimihii hore.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa 7-dii Bishaan Xilka ka qaaday Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya,iyadoona Xilka qaadista Sanbaloolshe la sheegay in ay ka dhalatay Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare C/wali Sheikh.

Sanbaloolshe oo noqday Agaasiimihii 3-aad ee Xilka laga qaado tan iyo markii uu Xafiiska yimid Xasan Sheekh, ayaa waxaa lagu micneeyay in uu yahay mid salka ku hayo Khilaaf madaxda sare ee dalka u dhaxeeya, inkastoo uusan Khilaafkaasi wali soo shaac bixin.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook