opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Raisal Wasaare Cabdi Wali Oo Baydhabo Tagay

Share

Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu maanta booqasho ku tagey Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdi uu horkacaayay, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, waxaana xubnaha soo dhaweysay ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano maalmahaanba ku sugnaa Baydhabo.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wefdigiisa, ayaa kulan Garoonka Baydhabo kula qaadanaya xubnihii ku soo dhaweysay, lamana garanaayo in ay gudaha u geli doonaan Baydhabo iyo in kale.

Ra’iisul Wasaare  C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu dadaal ku bixinayaa sidii uu u meelmarin lahaa Maamulka 3-da, ee lagu wado in loo dhiso Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Bulshada ku dhaqan Magaalada Kuunfur Galbeed, ayaa iyagu ah kuwa taageersan in la hirgeliyo Maamulka 3-da Gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook