Raisal Wasaare Cabdiwali Oo Loodiiday Inuu Tago Baydhabo

Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya oo ka mid ah Maamulada ka dhisan Baydhabo ayaa shaaciyaya in Kulan ay la qaateen Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari uu Fashil ku dhamaaday,kulankaas oo looga hadlayay sidii loo dhameyn la haa Khilaafka Maamulada Magaalada Baydhabo.

C/ laahi Maxamed Idiris oo ah Wasiirka Gaadiidka Maamulka lixda Gobol, ayaa sheegay inaysan rabin in Magaalada Baydhabo uu tago Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, maadaama uu ku eedeeyay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka shaqeynaayo sidii loo bur-burin lahaa maamulka lixda Gobol.

Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ku dhawaaqay shir Dib uheshiisiin ah oo aan la ogeyn cida lagu heshiisiinaayo, sida uu ku waramaayo C/laahi Maxamed Idiris, waxaana suuragal ah ayuu leeyahay in shirkaasi uu yimaado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, balse maamulka lixda Gobol imaatinka Ra’iisul Wasaaraha ayuu kasoo horjeeda.

Wasiirka Gaadiidka maamulka lixda Gobol, ayaa sidoo kale cadeeyay in shalay ay wada kulmeen Odayaal ka socda dhanka maamulka lixda Gobol iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo Baydhabo ku sugan, balse natiijada kulankaasi uu noqday mid fashilmay oo aan waxba kasoo bixin.

Ugu dambeyn masuulkaan ka tirsan maamulka lixda Gobol, wuxuu sheegay in Dib uheshiisiin hadii ay tahay ay heshiinayaan shacabka Gobolada Koonfureed, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyana uusan soo dhexgeli karin arimahaasi.

“Ra’iisul Wasaaraha nooma imaan karo, hada kahor ayuu Muqdisho Wasiiro maamulkeena kamid ah ugu yeeray wixii la ogaa ayuu ku sameeyay, waan kasoo horjeednaa nooma imaan karo mana soo dhaweynayno, xitaa lama kulmeyno shacabka Gobolada koonfureed iyaga ayaa heshiinaya”Ayuu yiri C/laahi Maxamed Idiris Wasiirka Gaadiidka Maamulka lixda Gobol oo u waramay Idaacada Kulmiye.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook